success business advising tips. part one.

Ma ogtahay ganacsade hadii aad rabto inuu guulaysto ganacsigaagu waxaa muhiim ah inaad ogaatid waa maxay guusha ganacsigu?

hadaba halkan waxa aan kuugu soo koobayaa qodobo ay tahay muhiim inaad ogaatid kuwaasoo hore u socod ku samayn kara ganacsigaaga ama shirkadaada. hadaba qodobadu waa kuwan hoosta ku xusane ila akhri fadlan.


1.     QORSHE GANACSI;

 

Arin tan waxaymu u qaybinaynaa laba qodob kuwaas oo kala

-fikrad ganacsi

-qiimee fikradaada ganacsi

 

FIKRADA GANACSI; Fikradaada ganacsi ha noqoto mid munaasab ku ah magaalada aad joogtid taas oo aan hore loo samaynin marka aan leenahay mid aan hore loo samayn kama wado wax ku cusub magaaladaada ee waxaan ka wadaa waa in aad ogaata ganacsiyada ka jira magaaladaada in ay leeyihiin dal daloolo banaan kuwaas oo adiga luu sahli kara in aad adigu samaysid waxa iyaga ka maqan

 

1- QIIMEE FIKRAADA GANACSI


Marka Koowaad waa inaad ogaata faa'iidada aad ka heli kartid ganacsigan aad rabtid in aad samayso

Marka labaad waa in aad ogaatid faa'iidada iuo qasaaraha ku soo gaadhi kara taas oo ku salaysan xagaaga iyo xaga bulshadaba

 

2. SAMEE SUUQ BAADHIS;

 

Tani waxay kuu fududaynaysa in aad ogaatid heerka ganacsigaaga iyo waliba in fikradaad wadataa suuqa ka soconyso

 

Marka aad samaynaysid baadhista suuqa waxaa lagaga baahanyahy laba arimood kuwaas oo kala ah:-

 -primary research iyo - secondaray research

           /                                   /

-baadhis cusub  iyo - baadhis hore loo sameeyay.



la soco qaybta dambe..............

1 Comments

Previous Post Next Post