INTRODUCTION.
Natiijada Daraasada
Dabka H/Sheekha.
Waxaa la dhigay mala-awaalo (hypotheses) dhawr
ah oo lagu xaqiijiyay aragti (observation), shaybaadh iyo ka eegida dhanka
mac-quul galnimada arrinkaa (logical reasoning). Waxaa sanadkii hore ee 2022
bishiisii kowaad iyo labaad ba soo wajahay magaalada harta shekha masiibo wayn
oo ah dab, taas oo sababtay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Intaas kadib anaga oo ah team ka socday
xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maamulka dhulka miyiga waxa aanu u amba baxnay
bal inaanu ogaano waxa sababay dabkan, una kuurgalno dhibaatada dab ee soo
noqnoqotay mudada badan. Hadaba waxa aanu halkan ku soo bandhigaynaa daraaasad hordhac ah taas oo aanu ka soo
saarnay masiibadan.
1)
Dabka ka dhashay Harta-Sheekha dad-samee ma yahay?
Halbeegyada lagu cabiro marka dabka
kicitaankiisu ay sababaan bini’aadamka sida in dhuxul iyo waxa la halmaala lagu
shito guriga dhexdiisa, in kibriit iyo qaraxad iyo dhamaan walxaha wax guba in
lagu tuuray goobta gubanaysa ayaa beeniyay qodobkan. Guryaha qaar ee gubtay
waxa kaliya ee guriga yaallay (xilliga gubashadu dhacayso) waa gogosha, dhamaan
alaabtii iyo dadkii ku noolaaba banaanka ayay dageen cabsi awgeed. Daraasada
waxaa kusoo baxay in guryo 13 ah (oo ka dhigan 46% guryaha gubtay) in xilliga
ay gubanayaan guryaha aan lagu jirin amaba walxihii wax gubi lahaa aysan oolin.
Waxaa jira marxalado labo ah oo lagu sheegay in haweenku ay dhayalsi sameeyeen
(sababo la xidhiidha nafsiyada) hase yeeshee taasna cadayn buuxda ayaa loo
waayay in dabka kacay ay dumarku sabab u ahaayeen. Sabatoo ah ficil ay
sameeyeen oo dab dhalinaya ayaan meesha oolin. Mataalada (sample size) oo ahayd
13 (out of 28) guri ayaa lagu ogaaday in wax ka badan 98% guryaha gubtay aysan
sababin bini’aadamku.
2)
Laydhka iyo xadhkaha la isticmaalayo ma sababi karaan kicitaanka
dabka?
Laydhka la isticmaalo magaalada H/sheekha waxa
kamid ah tamarta qorraxda (solar power). Hase yeeshee xadhkaha la isticmaalo
tayo badan malaha sidoo kalane cabir sax ah lagama hayo xadiga laydhka ee la
isticmaalo guud ahaan magaalada. Taasi waxay ka dhigantahay in xadhkuhu mararka
qaar qaadaan dab ka xoog badan xadigooda. Kolka ay sidaas tahayna waa macquul
in xadhkuhu guban karaan oo dab dhalin karaan. Hase yesshee xaalada magaaladu
sidaas way ka duwantahay. 19 January ayaa la go’aamiyay in laydhka la bakhtiiyo
gabi ahaanba. Isla maalinkaa waxaa gubtay 8 guri oo horleh. Wixii ka horeeyay
maalinkaa, lama hayo wax cadaynaya in laydhku sabab u yahay gubashada. Meelaha
uu ugu horayn dabku ka kacayo waa furaashka oo yaalla dhulka (amaba ku tiirsan
jiingada). Dhamaan guryaha gubtay meel uu laydhku kasoo gaadho kama bilaabanin
dabku, habayraatee. Marka masalada odhanaysa laydhka ayaa sabab u ah iyadna
halkaas ayay ku beenoowday.
3)
Is-llisk jiingada iyo musbaarka ma sababi karaan dabka dhashay?
Celceliska da’da guryaha gubtay waa 7 sano.
Dhamaan guryaha gubtay waxay gabi haaanba ka samaysan yihiin jiingada nooca
numberkeedu yahay 34. Tayo ahaan waxaa loo arkaa inay aad u hoosayso
(jilicsantahay). Waxaa jira hal-guri oo dhis (dhoobo iyo geed ka samaysan) oo
isna gubtay, hase yeeshee aanu dabku ka kicin. Waxaa soo gaadhay dab ka dhashay
meel kale. Jiingada iyo geedka gurigu ku dhisanyahay waxaa isku haya musbaar.
Meesha ay iska haystaan waxaa kamuuqda in dilaacu ballaadhay. Taas waxay ka
dhigantahay in uu jiro dhaqdhaqaaq ay samaynayaan walxahan is haya.
Dhaqdhaqaaqa waxaa sababaya dabyasha, guriga oo muddo jiray iyo/ama tayada
markii hore loo dhisay oo liidatay. Dhaq-dhaqaaqas waxaa ka dhasha tamar ku
filan inay dab noqoto. Waxa kaliya ee markaa ay u baahnatahay waa “oxidizing
agent”. Oxygen ku filan waxay ka helaysaa dabaysha xooga badan ee socota. Intaa
waxaa dheer in meesha islisku ka dhacayo ay ka muuqato daxal (rusting). Daxalka
waa isdulsaar (compound) ay ku badantahay curihaya oxygen (Fe2O3). Daxalka
laftigiisu wuxuu ciyaaraa doorka ah oxidizing agent. 9 (69%) guri oo kamid ah
guryaha gubtay waxay gubteen xilli maalin ah. Xilliga maalinka waxaa
buux-samaya shuruuda ah in la helo tamar, hawo iyo hydro-Carbon si uu dab u
dhasho. Haydro-carbon waa wax alla wixii ka kooban curiyayaasha Carbon &
Hydrogen (oo loo arko inay yihiin shidaal iyo/ama hadhaaga shidaalka). Waxaa
kamdi ah geedaha guryaha lagu dhiso, furaashka lagu seexanayo, dacaska la
xidho, shamaca la goglo IWM. 4 kamid ah guryaha gubtay waxay gubteen xilli
habeen ah. Marxalada sare ee ah in shuruuda la buuxiyo waxbaa ka dhiman (Tamar
qorraxda). Hase yeeshee doorka tamarta qorraxda waxaa ciyaara tamarta kasoo baxaysa
isliska (friction). Dhamaan guryaha gubtay waxa ay udhawdahay in ay sababeen a)
isticmaalka jiingada b)xilliga oo is badalay (jiilaal dabayli socoto) c)
isliska-biraha (friction b/n the galvanized iron sheet and the nail). Dabaysha
ayaa qaadanaysa doorka ugu muhiimsan (primary catalyst) maadaama ay tahay
shayga kaliya een doorsoomin habeen iyo maalin ba dabkuna uu halkiisa kasii
socdaa.
4)
Gaaska Methane (CH4) oo ku badan magaalada sabab ma unoqon karaa
gubashada?
Isdulsaarka Methane waxaa lagu sii daayaa
nidaamyo dhawr ah oo ay ugu waynyihiin xoolaha (lo’ada oo uu saxaradeeda iyo
dhareerkeeda la socdo) iyo qashinka. Magaaladan waxay caan ku ahayd muddo ku
dhaw 20 sano dhoofinta iyo naaxinta dibida (and to some extent other livestock
ruminants). Neefka lo’da ah marka la naaxiyo waxa uu siidayaa 150 gram oo
dhareer (saliva) ah. Waxaa la socda 150 gram walba 30gram oo methane ah.
Methane marka ay ururto ama hawada ayay sare u gashaa amaba isdulsaaryo kale
(other compounds) intay lafalgasho ayay dhuka hoos u gashaa. Badanaa mida
dhulka gasha waxa kaliya ee ay kor ugu soo bixi kartaa waa ficilka loo yaqaano
“leaching” oo biyuhu ay sababaan. Qashinka qallan isna marka uu ururo wuu
buruburaa (decomposed) wuxuuna sii daayaa curiyayasha uu ka koobanyahay kadibna
waxaa dhexda ka samaysma Methane. Carada magaalada oo shaybaadh lagu baadhay
ayaa tibaaxaysa nooceedu inuu yahay “loamy soil”. Carada noocan ah midabkeedu
waa madaw xaga wax soo-saarkana ku fiican hase yeeshee aan lahayn wax
ban-banaan ah (pore space). Ban-banaankaas oo hawada iyo biyaha marin iyo
fadhiisin u ah. Methane tii carada gashay way ku adagtahay inay hoos u daadagto
oo waxay sugi oo kaliya goorta ay kor usoo bixi (given under a standard
temperature and pressure). Roobabkii da’ay 2020 kii ee xooga badnaa ayaa
sababay in Methane kor usoo baxdo. Dabaylo xoog lehna waxay sahleen inay gubaan
oo ay dab dhaliyaan. Mataalad 4 carro (oo guryaha gubtay laga qaaday) oo lagu
baadhay shaybaadhka hal kamid ah ayaa laga helay methane. Taasi waxay ka
dhigantay 25% guryaha gubanaya waxaa keeni kara gaaska methane ku dhawaad 15
sano kadib markii uu istaagay ganacsiga tooska ah ee dibida iyo qashin
xad-dhaaf ah oo magaalada ku dhex baylahsan.
Hadaan soo koobno, gubashada magaalada
H/sheekha waa xaalad dabiici ah oo ay keentay isbedelka cimilada dunida. Waxaa
isku biir-biirsaday dabalyo (the most catalyzing agent) oo aan la arki jirin
xilliga jiilaalka, qaab-nololeedka bulshada (jiingado in ay hoy u noqdaan) iyo
ficilo wakhtiyo hore lasamayn jiray (dhoofinta xoolaha iyo ka ganacsiga birta)
oo saamayntooda hada la arko oo helay xaalado kale oo suuro galinaya in dab
kaco (sida tamar ku filan, Hydro-Carbon diyaar ah, fahan la’aan waxa dhacaya
iyo talaabo deg deg ah oon la qaadin). Halbeegyadaa markaad hoos ugu fiirsato
waxaad dareemaysaa in dabka ka kacay H/Sheekha uusan ahayn mid dhamaaday balse
uu yahay bilaw hor leh oo ah dhinaca isbedelada deegaanka ku dhacaya. Saamaynta
uu yeelan doono waxay ku xidhantahay jawaabta laga bixiyo iyo heerka u
diyaar-garawga oo labadaba saldhig u ah aragtida laga qabo isbedelka cimilada
f.G: dhamaan mala-awaalada aanu tijaabinay
waxaa bar-bar socday oon marwalba siin ahaan (given) loo qaatay heerkulka iyo
dabaysha (wind and temperature). Sanadkii 2021 wuxuu taariikhda ahaa sanadkii
afraad ee dunida ugu kululaa
Talo Bixin
Talo bixnta aan soo jeedinayno waxay isugu
jirtaa mid wakhtigan lajoogo waxa nala gudboon in laqabto ah (isla markaana
jawaab u noqon karta masiibada hada socota) iyo mid xal joogto/waara noqonaysa
oo ka turjumaysa mustaqbalka
1) Wakhtigan la taagnayahay waxaa loo
baahnayahay in gurhayaha jiingadaha oo dhan daaqadaha loo furo (open system:
zeroth law of thermodynamics). Waxay sahlaysaa inay isku dheelli tirmaan
heerkulka gudaha iyo dibada oo aysan fursad u noqon in dab dhasha
2) In jiingadaha shanqadhaya oo dhan ee sababi
kara is-lis la dayactiro oo la shanqadh-bi’iyo si loo yareeyo fursada
is-liskaasi ku noqon karto mid dab dhalisa
3) Mustaqbalka waxaa muhiim ah in laga guuro
dhamaan guryaha jiingadaha ah lana beero geedo faro badan si loo yareeyo
halista ka imaan karta isbedelka cimilada.
Mahadsanid waalal warbixin qurux badan ayaad noo soo diyaaarisey
ReplyDeleteyou are welcome
Delete