THE REBORT OF JUBA RIVER.



Let's farm the farm in order to farm hope our future generation.



HORDHAC

 Wabiga Juba malaha meel banaan, wax-soosaarkiisuna dalka iska daaye xiita gobolka ma kaafiyo.


Juba mid kamid ah labada wabi ee Somalia, Ethiopia ayuu ka soo burqadaa marka uu marayo Dooloow oo uu Somalia ka soo galena waxaa ku dara wabiyaraha  Daawa ee Kenya, inkabadan 1000km ayuuu dhexqaadaa gobolada Gedo, Jubada dhexe iyo nida hoose.

Hadaba, dhamaan dhulkaas waxaa ku nool dad ay noloshoodu ku tiirsantahay biyaha wabiga.

Halka uu dalka ka soo galo ilaa barta uu bada kaga daro malaha meel banaan wabiga juba jiirkiisu oo waayo-hore ayaa lawada ootay, waxsoosaarka beeruhuna dalka iska daaye xiita gobolka kuma filna oo ma kaafiyaan.

Dadka qaar ee ku nool deegaankan subax walba waa u jarmaado si ay usoo manafacaadsadaan beerahooda. Se laakiin kaliya waxa weeyaan in ku filan nolosha halkaas qoys ee iyagu wax beertay. Biyaha webiga ee ku qulqulayo waxay quud iyo nasteexo u yihiin naflayda Badwaynta Hindiya oo uu webiga biyaha cas ku daro kuwa buluuga ah ee badda.

Sidoo kale dadka qaar ayaa kala dhaxlay beerahan, iyadoo beeraha qaar ay jiraan mudo ka badan hal qarni. Mid kamida dadka beerahan iska leh oo ii waramay ayaa ii sheegay “in dhawr uu kamid yahay geed canbe ah oo aan meesha ku arkay inuu boqol sano baarka ka jaray”.

Si lamid ah beraha kale ee ku yaala goboladan ayaa sanad waliba dadka halkan dagan  waxa ay beertaan iniin hor leh, laakiin, si kasta oo ay u biqisho horumar sidaas u badan lagama gaadho, sababo la xidhiidha fatahaada wabiga oo waqtiyada qaar saamayn wayn ku keenta.

Tab-kasta oo ay awoodeen waa ay ugu tabceen laakiin, kuma tanaadin. Khuburada beeruhuna waxa ay sheegeen oo ay u tirinayan arimo aan loo tabaabushaysan, sida” aminga, wadada oo ah halka ay waxwaliba usoo marayeen deegaanadan, cilmi baadhistii iyo waliba suuq-gayntii intaas oo laisku wada daray oo waliba isku xidhan hadana meesha kamaqan Ayaan suurta galinaynin in muwaadinka ama beeralayda inay inta waxsoosaaraan oo ay ku filnaadaan guud ahaan wadanka.

Qaar kale oo  kamid ah guutooyinka farah badan ee wiiqay waxsoosaarka beeralayduna ay u arkaan buur kaga gudban hodantinimadooda waxaa kamid ah. “ dhaqaale yari, fatahaada wabiga oo iyadu ah halka dhib ee haysata guud ahaan dadka beeralayda ah eek u sugan aaga wabiga”.

Tagtooyin xasuuso reebay oo ka dhashay dalagyo loo kal tirinaayay oo laga cayroobay kuwaas oo ay saamayn wayn ku yeelatay dhibatada fatahaada wabiga.

Dadka qaar oo aanu ka waraysanay waxyaabaha kale ee caqabadaha ku ah waxyaalaha ay noo sheegeen waxaa kamid ah “ in aanu caloolyaw ku hayn waqtigii ka tagay ee ay ka faa’iidaysasn waayeen dadkaas waayeelka ah ee hada waqti xaadirkan iyagu gaboobay, se ay aad uga walaacsanyihiin wiilashooda ama jiilka furaha sugaya ee raba inay ka dhaxlaan beerha ee aan hadana u lahayn mid ka badan tii aabayaashood taasoo ah in wax-soosaar ah nolol maalmeed uum oo cuno wax ka badan ma soo saaaraan karaan, tanina waa caqabad horleh oo iyaduna haysata jiilkan soo koraya.

Hadaba, waxaa muhiim ah sidii caqabadahan looga gudbi lahaa waxaanu soo jeedin lahaa  in la sameeyo dhawr qodob kuwaaso aan rajaynayo inay wax ka badalaan qaab-dhismeeka iyo geedi socodka dadka beeralayda ah ee ku sugan aaga wabiga shabeele.

1.      In la siiyo taageero dhan walba leh  dadka beeralayda. Sida:

·          Dhaqaale kabis ah kaas oo loogu talo galay in ay kusoo gataan alabaaha ay u baahan karaan.

·         Tababar ku saabsan qaabka casriga ah ee loo beerto beeraha dunida.

·         In la siiyo wacyigalin taas oo ka taageeri karta in dadka aan waxba beeran ay usoo jeedsan karaan wax beerashada kuna foorarsan karaan beerashada dhulka dihin ee leh waxsoosaarka beeraha.

·         In loo sameeyo dadka ka fog aaga wabiga dhamam waawayn kuwaas oo ay kaga maarmi karaan biyo dhaaminta booyada.

·         In la siiyo oo lagu caawiyo qalabka beeraha oo dhamaystiran sida : mashiinada, tuumbooyin, taangiyada biyaha, qalabka casriga ee beerha ama cagafta beeraha lagu beerto ama ta lagu gooyo dalaga, iyo qaar kaloo badan.

·         In la siiyo waxyaabaha lagu koriyo dalaga beerta sida : suntan bacriminta, suntan ciida ilaalisa taas oo ka taageeri doonta inaanay ciidu nabaad guurin.


GABAGABADII: waxaanu dadka somaaliyeed kula dardaarmayaa inay dhulkeena dihin ku foorarsadaan oo ay beertaan beeraheena, si aynu uga maarano deeqaha shiisheeye ee aynu ku noolnahay, ugana badbaadno abaaraha soo noqnoqday.

 

Halku dhigeenu waxa weeye dhulka beerta rajo aan beernee Waad mahadsantihiin dhamaantiin shaqo wacan.


Mahadsanidiin. 


1 Comments

Previous Post Next Post