success business advising tips. part two.

 


Maamul iyo maarayn

 Jaangoynta yoolasha, qeexida wadooyinka, dajinta qorshe hosaadyada, misaamida iyo isu dheelitirka yoolasha la hiigsanayo;

ü  Qorshayn

ü  Nidaamin

ü  Hogaamin

ü  Dabagal


4.     ODOROS MAALIYADEED

 Maraynta maaliyada:- Si ganacsigu u horumaro waa in la sameeyaa nidaam xisaabeed tafatiran, Maxaa yeelay ganacsiga xogtiisa dhabta ah waxaa lagu ogaan karaa in la sugo qulqulka lacageed iyadoo loo maaraynayo sida ugu fudud ee macquulka ah.

 

 

5.HORUMARARI SHAQAAALAHAAGA; 


Ma ogtahay in shaqaaluhu ay yihiin muraayada u horeysa ee la iska-dhex arki karo ama aad ku soo jiidan karto bulshadaada.

 Hadaba, waa in aanay shqaalahaagu noqon qaar caga jiid ah kuwaasoo marka ay soo galayaan subixii caajis aan ku soo galin shqada, yaanay noqon qaar xisaabiya saacadaha ay joogayaan shaqada. Si kastooy ahaataba, waa in aad la saaxiibta shaqaalahaaga waa in aadan mushaharkooda kaga safaadin. Ha yasin shaqalahaaga, kor uqaaad aqoontooda shaqaalahaaga.

 

Sidee loo horumariyaa shaqaaalahaaga?

Waa in aad shaqaalahaa dhiiriglisaa sidoo kale aad abaal marisaa tani waxay kor uqaadaysaa moraalkooda. Sidoo kale waxaa muhiim ah in shaqaaluhu kaa helaan Afar Qodob:-

1-      Daryeel

2-  Naxariis

3-  Tixgalin iyo

4-  Toosin

 

AFAR QODOB shaqaalahaga dareensii:-

§  -lahaansho

§  -farxad

§  -kalsooni

§  -jacayl.

 

6.XULASHADA SHAQAALAHA; Waxaa jira qodobo la tixgaliyo marka shaqaale la qaadanyo waxaana kamid ah;

 

Ø  Aqoonta qofka

Ø  Khibrada ama Waayo Aragnimada qofka

Ø  Kartida qofka

Ø  Aaminaad

 

7.      SUUQ-GAYN; waa nidaam qorshaysan ujeedadiisuna tahay sidii loo hirgalin lahaa dhaqdhaqaaqa ganacsi si la isugu keeno iibsadsaha iyo iibiyaha.

 Suuq-Gayntu waxaa loo qaybiyaa laba nooc:-

 -Suuq-Gayn Ganacsi ka ganacsi:- Waa suuq gayn u dhaxaysa laba ganacsi

-Suug-Gayn Ganacsi iyo macmiil:- Waa mid u dhaxaysa ganacsade iyo macmiilka

 

MAARAYNTA SUUQGAYNTA; Si aad u maraayso suuqgayntaada waxaa muhiim ah in aad samayso qodobadan;

 

*      Qeexid

*      Ujeedo cad

*      Xeelad

*      hirgalin

*      hubin

 

 

XEELADAHA SUUQGAYNTA;waa sidii loogu guulaysan lahaa nidaamka  iyo Ujeedooyinka dhinaca suuqagaynta

Nidaamka iyo xeeladaha suuqgaynta hababka loo raaco waxaa kamid ah:-

Tilmaanso macaamiishaada, Tartamayaasha muuqda, Tilmaanso suuqaaga, Iibinta wax gaar ah ama sharax ka bixi waxa kuu gaarka ah, Yoolka suuqgaynta, Qorshaha suuqgaynta.

 

8.     DARYEEL MACAAMIISHAADA;

 

In aad ilaaliso macaamiishaada waxaad ku heli kartaa suuq badan, hadaba sidee ayaad isku fahmi kartaan macaamiishaada?

Waxaad isku fahmi kartaan macaamiishaada adigoo siiya, adeeg hufan, qiime macquul ah, iyo tayada waxa aad iibinaysid. Sidoo kale ku dadaal sadexdan qodob ee hoosta ku xusan.

 

Qanci macaamiisha

Abaal mari macaamiisha

Hayso macaamiishaada

 

9.     DIYAAR U AHAW TARTAN GANACSI;

 In aad feejignaan gaar u yeelataa suuqa iyo ganacsatada aad isleedahay way kula tartami karaan waa mid aad muhiim u ah. Sidoo kale waa in aad is barbar dhig samaysaa sidee ayuu ganacsigaagu ama badeecaadaadu uga horumari karaa tartamayaasha kula loolamaya.

Hadaba samee shax ay ku cad yihiin xogta rasmiga ee uu ganacsigaagu leeyahay adigoo muujinaya;

* Awooda ganacsi                              *Sumcad

* Sicirka ama qiimaha                       *Muuqaaalka

* Tayada ganacsiga                           *Goobta

* Iskuhalayn                                       * Xaayasiin

 Dhamaan qodobadani waxay kuu sahlayaan in aad heshid xogta dhabta ah ee tartamayaashaada, waxayna kuu noqonaysid

 

10.                         XEELADAHA LOOLANKA:-

 

Waxyaabaha ganacsiigaagu ganacsatada kale kaga fiicnaan karo waxaa kamid ah;

ü  Tayada

ü  Sicirka

ü  Qiimaha

 

11.   SHANTA AWOODOOD LOOGU MAGAC DARAY PORTER {Peter five competative forces} :- Waa shanta awoodood ee uu ganacsigu ku dhisanyahay waana shan sharaxaad buuxda ka bixinaya tartan ka iyo sida aad u gali kartid;

                                                                                                                                   

·         Loolanka u dhaxeeya tartamayaasha [ competitive rivalry]

·         Awooda qaybiyayaasha [power of suppliers]

·         Awooda iibsadayaasha [power of buyers]

·         Cabsida laga qabo ee suuqa soo gala [threat of new entrant ]

·         Cabsida laga qabo badalashadam[threat of substitute ]

 

12.  TARTANKA TOOLMOON SAMEE;

Tani waxay kaa saacidaysaa in aad samausid tartan toolmoon kaas oo aad ku guulaysan karto si kasooy ahaataba ha dhibsan tartamayaasha ganacsiga kugula jira.

 

GUNAANAD 

Ugu danbayn ganacsigaagu ha noqdo mid ku dhisan qaab aqoonaysay kaas yeelan kara in uu sii jiro ilaa waqti dheer isla markaas na kuwa kaa danbeeya ama aayaha dambe ee noloshu ha noqoto mid ay ka faa'iidaan taas ayaana keenaysa in uu ganacsigaagu noqdo mid guulaysta.

Post a Comment

Previous Post Next Post